SHIR AY YEESHEEN GUDIGA FULINTA EE DDF IYO QODOBO AY KA SOO SAAREEN

UJEEDO CADEYN.
MAANTA OOY TAARIIKHDU TAHAY 19/09/2020 SHIR AY YEESHEEN GUDIGA FULINTA EE DDF WAXAY SI SAREEXAD LEH UGA DOODEEN QODOBADII AGENDAHA SHIRKA OO KALA AHAA:
1-SOO DHAMEYSTIRKA XUBNAHA KA MAQAN GUDIGA FULINTA EE DDF.
2-FALAQEYNTA IYO WAXKABADALISTA QODOBADII 13ka AHAA EE XEERKA IYO NIDAAMKA QOLWEYNAHA DDF.
3-MAGACAABISTA GUDIGIII MAAMULI LAHAA QOLWEYNAHA DDF:
4-MAGACAABIS XUBIN KA MID NOQONAYDA GUDIGA MARJACA IYO XALINTA KHILAAFAADKA:

DOOD IYO FALANQEYN DHEER KA DIB WAXAY GUDIGA DHAMAANTOOD ISKU RAACEEN IN QOLWEYNAHA DDF LOO MAGACAABAY INAY MAAMULAAN XUBNAHA KALA AH:
1- GUDOOMIYE KU XIGEENKA 3aad AHNA AFHAYEENKA DDF
CALI SHEEKH CISMAAN:
2-XOGHAYAHA WARFAAFINTA DDF C/SALAAN CALI XAASHI
3-XUBIN GUDIGA MARJACA DDF
BAARLIIN CALI WARDHEERE:
WAXAA KALOO GUDIGA FULINTU ISKU RAACAY IN.
1-MATAAN XUSEEN RAAGE KA MID NOQDO GUDIGA MARJACA DDF.
WAXAA KALE OO GUDIGU WAX KA BADAL KU SAMEEYEEN QODOBADA KALA AH:
—-QODOBKA 12aad iyo
—-QODOBKA 13aad.
WAXAA KALOO GUDIGU SI MUG LEH ISKUGU RAACAY IN SIDA UGU DHAQSIYAHA BADAN LOO SOO DHAMEYSTIRO XUBNAHA KA MAQAN GUDIGA FULINTA DDF:
— GABAGABO:
HADABA GUDIGA FULINTA EE DDF WAXAY KA CODSANAYAAN GOLAHA GUUD EE DDF INAY LA SHAQEEYAAN XUBNAHA AAN KOR KUSOO SHEEGNAY SI AY U GUTAAN WAAJIBAADKODA SHAQO EE LOO XILSAARAY: Wabilaahi towfiiq
GUDIGA FULINTA EE DDF.