Xeerilaalinta Guud ee Itoobiya oo danbiyo ay ku jiraan argagaxisanimo ku soo eedeeyay 24 qof oo uu ku jiro Jawaar Maxamed

ADDIS ABABA (Dooxo News)- Xeer-ilaalinta Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa dacwad ku soo oogay 24 qof oo uu ku jiro Jawaar Siraaj Maxamed, Bekele Gerba iyo Xamse Cadnaan iyo rag kale Waxaana lagu soo eedeeyay dambiyo la xiriira argagaxisanimo.

Sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda federaalka Itoobiya, gal-dacwadeedka 24-ka qof ay ku jiraan Dijena Gutema oo ka tirsan Shirkadda Warbaahinta ee Oromiya, Birhanemeskel Abebe iyo Tsegaye Ararsa oo iyagu maqan ayaa lagu soo eedeeyay argagaxisanimo.

Xeer-ilaaliyaha guud ayaa 16-kii bishan Sebteembar sheegay in dacwad oogayaasha federaalka ay Maxkamadda Sare usoo gudbiyeen  toban eedeyn oo kala duwan oo 24-kan qof Loo heysto.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay 24-kan qof in ay jebiyeen xeerka ciqaabta Itoobiya ee soo baxay 2004-tii gaar ahaan qodobka 240-aad ee ku saabsan kicinta dadweynaha iyo abaabulka rabshado in la sameeyo iyada oo la adeegsanayo magac qowmiyad iyo mid diin.

Eedeymaha loo soo jeedinayo 24-ka qof ayaa waxaa ka mid eedeymo la xiriira baahinta wararka argagaxiso iyo sidoo kale in ay jebiyeen sharciga xakameynta hubka sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda federaalka Itoobiya 24-kan eedeysane ayaa 21-ka bishaan Sebteembar ka soo hor muuqan doona Maxkamadda Sare si ay u helaan warqadda dacwadda.