Howlgal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen tuulada Balow oo hoos timaada Deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay Madaxii Howlgalada gobolka Shabeellada Hoose ee al.Shabaab.
Taliska Ururka 143-aad ee ciidanka ayaa sheegay in ugu yaraan 20 dagaalayahan iyo laba sarkaal oo ka tirsan ururka al-Shabaab ay ku dileen deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellada Hoose.
Taliyaha Ururka 143-aad Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgalkan uu yimi kadib markii dadka deegaanka ay soo gudbiyeem xogta dagaalyahannada al-Shabaab ee deegaankaasi ku sugnaa.
Saraakiisha lagu dilay howlgalkan oo lagu kala magacaabo Xuseen Macalin Nuur Abuu-Qudaama iyo Farxaan Abuu Mucalim oo isagu ku magac dheeraa Ganey ayaa ururka al-Shabaab u kala hayay xilalka Madaxii Howlgalada Gobolka iyo Xafiiska Dacwada.
Ciidamada xoogga dalka ayaa dhammaan gobollada dalka ka wada howlgallo ururuka al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada ay heystaan.