Korneyl Hore oo Howlgab ah oo loo Magacaabay in uu Hoggaamiyo Maali

Golaha Qaran ee Badbaadada Shacabka Maali ayaa Korneylka howlgabka ah ee Bah Ndaw u magacaabay in uu madax u noqdo xukuumad ku meel gaar ah oo uu yeelanayo dalkaas.

Golaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Korneyl Ndaw oo ah wasiirkii hore ee gaashaandhigga dalkaa uu noqday shakhsiga loo xushay kuna habboon hoggaaminta Maali xilligan adag.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Korneel Assimi Goita guddoomiyaha Golaha Qaran ee Badbaadada Shacabka Maali uu noqon doono ku xigeenka Ndaw.

Hoggaamiyahan cusub ayaa looga fadhiyaa in uu soo dhiso xukuumad kumeel-gaar ah 25-ka bishan.

Sida uu yahay qorshaha mudane Ndaw ayaa dalka hoggaamin doona bilo kooban iyada oo howsha ugu weyn ee u taallaa ay tahay in uu diyaariyo doorasho dalkaa ka dhacda oo talada dalkaas loogu gacan gelinayo dowlad rayid ah.

Dhawaan ayay ahayd markii millatariga Maali ay xukunka ka tureen madaxweynihii dalkaas ka talin jiray Ibrahim Boubakar Keita.