Man City oo guul ku bilowday horyaalka Ingiriiska

No Comments

Opinion Sports News

Manchester City oo guul ka soo heshay kooxda Wolverhampton oo ay ku booqatay Molineux Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester City.

Daqiiqaddii 20-aad Manchester City ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Kevin De Bruyne.

Phil Foden ayaa daqiiqaddii 31-aad ee ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Raheem Sterling.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqaddii 78-aad Wolverhampton ayaa la timid gool, waxaana ciyaarta 1-2 ka dhigay Raul Jimenez, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Daniel Podence.

Laakiin daqiiqadii 90-aad weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa ciyaarta ka dhigay 1-3 oo ay guusha ku raacday Manchester City.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *