Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya Xasan Cali Khayre.
Kulanka oo ka dhacay hoyga Muqdisho uu ka degan yahay Xasan cali Khayre ayaa labada dhinac waxa ay isaga xaal wareysteen xaaladda dalka & arrimaha doorashooyinka.
Qoraal kooban oo boggiisa xiriirka Bulshada soo dhigay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu ku yiri sidan.
“Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa.”
Xasan Cali Khayre ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho tan & wixii ka dambeeyay markii xilka ay ka tuureen Golaha Shacabka Somaliya.
Kulamo kala duwan oo Siyaasadeed ayaa ka socda Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay yeelanayaan madaxda maamul Goboledyada & Madaxdii hore ee dalka