Ra’iisul Wasaare Rooble oo la Kulmay Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin Beelaha Hawiye.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kulan qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo Mas’uuliyiinta Beelaha Hawiye.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid ku saabsan taageerida Ra’iisul Wasaaraha iyo sidii codka kalsoonida uga heli lahaa Baarlamaanka, waxaa kulankan ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa dadaal ugu jira kasbashada Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo sidii kalsoonida u siin lahaayeen, waxaana la qorsheeynayaa in todobaadkaan uu hortego Baarlamaanka.

Dhanka kale RW Rooble ayaa horey kulan ula qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ku-xigeenkiisa koowad Cabdiweli Muudey, Xildhibaano iyo Wasiiro, iyadoo kulamadaas ay ahaayeen kuwo Is-barasho ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *