Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ra’isul wasaaraha cusub ee lasoo doorta, sidaas darteed Maxamed Xuseen Rooble waa ra’isul wasaaraha rasmiga ah ee Soomaaliya.
Maxamed Xuseen Rooble waxaa laga sugi doonaa inuu soo magacaabo gole wasiirro oo wadanka gudbin kara marxaladda kala guurka, kadib dhaarintiisa wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono sideed qodob isagoo heysta wakhti aad u kooban.
Ra’isul wasaaraha cusub wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono marka ugu horreysay arrimaha amniga oo ah tan ugu muhiimsan wakhtigaan in laga shaqeeyo mudan, sidoo kale qodobada uu wax ka qabanayo waxaa ka mid ah Doorashada, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Dhab u heshiisiinta.
Sideeda qodob ee Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay inuu wax ka qaban doono waxaa ka mid ah:
1 – Arrimaha Amniga
2 – Doorashooyinka
3 – Cadaaladda
4 – Horumarinta dhaqaalaha
5 – Dhab u heshiisiinta
6 – Dib u eegista dastuurka
7 – Iskaashiga caalamiga ah
8 – Dowlad wanaagga iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa
Sidoo kale, Maxamed Rooble ayaa tilmaamay inuu soo dhisi doono xukuumad oo ka tarjumeysa baahiyaha kala duwan ee dalka ka jira, islamarkaana marxalada haatan uu dalka ku jira ka gudbisa, fulisana hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka ayaa uga mahad-celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida kalsoonida leh ee ay codka u siiyeen, isagoona la dalbaday inay ansixiyaan Xukuumadda Cusb ee uu soo dhisi doono.