Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha Galmudug oo ay wehliyaan Kuxigeenkiisa iyo Wasiiro ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sareeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal.
Wafdiga Madaxweyne Qoorqoor ayaa intaasi ka dib waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa Magaalada Muqdisho uga qaybgalay shirkii ay ku lahaayen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Dib u laabashada Qoorqoor ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug, ay dhaqdhaqaaq Gobolka Galgaduud.