Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Kuxigeenkiisa 1aad ku booqday Xarunta Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Villa Somalia.
Qoraal lagu daabacay barta Golaha Shacabka ee Facebook ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu Guddoonka Golaha Shacabka la qaatay kulan miro dhal.
Qoraalka lagu faah faahin waxyaabaha looga hadlay kulanka, waxaase uu noqonaya kulankii ugu horeeyay ee Rooble uu la yeesho Guddoonka Golaha Shacabka, tan iyo markii shalay loo dhaariyay xilka.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa isu diyaarinaya soo xulista Golihiisa Wasiirada, si ay u dardargeliyan hawlaha horyaala xukuumadiisa.