Waxaa maalinba maalinta ka dambeysaa ka sii dareysa xaaladda caafimaadeed ee Ustaad Jiim Sheekh Muumin, oo magac iyo sumcadba ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.
Iyadoo muddooyinkii ugu dambeysay uu aragga naafo ka ahaa ayaa waxaa hadana ku dhuftay xanuunka Stroke-ka, oo lug iyo gacan ayaa soo dhacday.
Ustaad Jiim Sheekh Muumin oo xubin muhiima ka ahaa Hoboladii Fannaaniinta Qaranka ee Waaberi ayaa lagu xusuustaa doorkiisii gumeysi la diriirka.
Ustaad Jiim Sheekh Muumin waxa uu xilligan xaaladdii ugu darneyd uu ku wajahaya isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho. Si gargaarka maanta uu u baahanyahay uu u helana waxay Warbaahinta bilowday dadaalo umadda Soomaaliyeed loogu wargelinayo xaaladda adag ee abwaanka, si ciddii awooddaa ay taageero maaliyadeed ugu fidiso, iyadoo hadafkuna yahay in xaaladiisa caafimaad wax laga qabto, haddii ay noqon laheyd caafimaad dibadda ah.
Hadaba cid walba iyo itaalkeeda, wixii ay awooddaa waxay ugu ugu hagaajin kartaa EVC PLUS: 0614913193. DAHABSHIIL MUQDISHO: Abdulkadir Farah Dulyar 0614913193.