Axmed Madoobe oo soo dhoweeyay go’aankii Baarlamanka labada aqal

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu soo dhoweeyay hannaankii labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya uu ku meelmariyay heshiiskii doorashooyinka dalka

Axmed Madoobe ayaa waxa uu sheegay in guul taariikhi ah maanta ay qoreen xildhibaannada,  waxa uuna intaa ku daray in la waajaho fulinta heshiiska.

‘Baarlamanka waxay sameeyeen arrin wanaagaan,  waxaa loo baahanyahay,  in la billaabo fulinta maadaana dalkaan uu khibrad u leeyahay doorashooyinka ‘ ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu hadalkiisa soo dhoweynta ah kusoo aadayaa daqiiqado kadib markii heshiiskii lagu gaaray Moqadisho ay meel mariyeen xubnaha Baarlamanka labada aqal.