Paul Rusesabagina, halyeeygii filimkii caanka ahaa ee “Hotel Rwanda,” ayaa jimcihii maxkamada Kigali ka qirtay inuu gacan ka gaystay samaynta koox hubaysan, laakiin wuu diiday inuu wax door ah ku lahaa dambiyada kooxdaas ay geesatay.
Rusesabagina wuxuu caan ku yahay sawirkiisa Don Cheadle filimki 2004, kaas oo uu kaga soo muuqday badbaadinta boqollaal qowmiyadda Tutsiga intii uu socday xasuuqii Ruwanda 1994.
Xasuuqaasi waxaa ku nafwaayey in kabadan 800,000 oo qof oo u badan qowmiyadda Tutsi-ga
Waxaa loo maxkamadeynayaa 13 dacwadood oo ay ka mid yihiin argagixisanimo, maalgalinta iyo aasaasidda kooxaha xagjirka ah, dil, dab-qabadsiin guryo iyo shirqoolka qeybgalinta carruurta kooxaha hubeysan.
Rusesabagina ayaa ka soo muuqatay maxkamadda jimcihii isagoo ku labisan dhar midabkiisu casaanka yahay iyo maaskaro casaan ah.
Sannadkii 2017 Rusesabagina waxa uu qeyb weyn ku lahaa aasaasidda (MRCD) oo ah xisbi mucaarad ah oo ka dhisan dibadda.
Si kastaba ha noqotee Rusesabagina ayaa la qabtay bishii aan soo dhaafnay kaddib sanado badan oo uu ku noolaa Mareykanka iyo Beljam.