Wasaaradda amniga Galmudug oo digniin ka soo saartay dhul boob ka socda Hobyo

Wasiirka amniga maamulga Galmudug ayaa uga digay shacabka Hobyo iyo dadka kale ee ka imanaya deegaanada kale ee halkaa u dhow in ay iska cabirtaan dhulka degmada Hobyo.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in dhawaan ay billbaabi doonaan howl-gal looga hortagayo dadka ku kacaya dhul boobka, tallaabo sharciga waafaqsanna laga qaadi doono ciddii lagu qabto iyadoo cabiraneysa dhulkaas oo aan loo soo marin qaab sharci ah.

“Lama aqbali doono in shakhsiyaad gaar ah ama hal qof oo isku cabirto dhul baaxadleh iyadoo aan loo kala saarin mid dan guud iyo mid gaar ah” ayuu yiri Fiqi.

Degmada Hobyo oo dhawaan la filayo in laga bilaabo dhismaha Dekadd ay yeelato Galmudug ayaa waxay arrintaasi ka abuurtay in magaaladu noqon doonto xarun ganacsi, waxaana dadku ay wadaan inay dhul ka cabirtaan degmada.