Ganacsatada Qaadka Meru oo waqti kama dambeys ah u qabtay Madaxweyne Uhuru

Beeraleyda, ganacsatada iyo hoggaamiyeyaasha la soo doortay ee gobolka Meru ayaa qabanqaabinaya mudaaharaadyo ballaaran 9-ka bisha soo socoto ee Oktoobar hadii ay dowladda Ka hadli weydo dhibaatooyinka iyo caqabadaha soo wajahaya suuqa Qaadka.

Go’aankan ayaa yimid ka dib kulan ay yeesheen hoggaamiyeyaasha iyo ganacsatada gobolk qaadka laga beero ee Meru Jimcihii la soo dhaafay, halkaas oo madaxweynaha dalka Kenya ee Uhuru Kenyatta lagu eedeeyay dhibaatooyinka ay wajahayaan beeraleyda Meru.

Kulan xassaasi ah oo ka dhacay dugsiga sare ee Burieruri ayay xildhibaanno uu horkacayo Mithika Linturi isku dayeen in eedeynta loo soo jeediyay ay iska leexiyaan iyaga oo sheegay in iyaga laftooda aysan waxba ka ogeyn waxa ay dowladda ka damacsan tahay maareynta xiriirka diblumaasiyadeed ee xumaaday ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa aheyd suuq muhiim ah oo loo iibgeeyo qaadka Kenya iyada oo maalin walba loo dhoofin jiray 50 tan oo qaad ah waxa ayna ganacsatada qaadka ka faa’iidi jireen 10 Milyan oo Shilinka Kenya ah.

Halganka loogu jiro in dib loo bilaabo dhoofinta qaadka ayaa socday 7-dii Isbuuc ee la soo dhaafay ka dib markii Soomaaliya ay xayiraadda ka qaaday duulmaadyadii caalamiga ahaa oo markii hore u xirnaa sababo la xiriira Koroona Feyris.