Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo marti ku ahaa barnaamij lagu qabtay magaalada Muqdisho uuna soo qabanqaabiyay Machad dhanka cilmi-baarista ah oo lagu magacaabo Raas,ayaa waxaa dadkii kaa soo qeyb galay ay waydiyeen su’aalo kala duwan oo u badnaa xaaladda uu dalku marayo.
Dib u heshiisiinta iyo Midnimada Soomaaliya
Su’aalaha la waydiiyay madaxweynaha waxaa ka mid ahaa arin la xiriirtay Midnimada Soomaaliya iyo dib u heshiisiinta bulshada ,waxaana uu sheegay in mar walba uu ka shaqeeyo wadajirka umadda Soomaaliyeed maadama sida uu hadalka u dhigay aaney bulshada Soomaaliyed kala maarmin.
“Dib u heshiisiinta Soomaaliya khaasatan Soomaaliya iyo Soomaaliland anigu intii aan joogay si aad ah ayaan uga shaqeyay inta hadda wada joogta in ay wada joogaan iyo in aan raadino Soomaliland wallaalahen si midnimadeenii iyo wada-jirkeenii u soo celino”
Mr Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa muujiyay in Soomaaliya iyo Soomaliland aaney kala go’i doonin isla markaana waxyaabaha loo sheegayo dadka shacabka ah wakhtiga looga luminayo.
“Waxaan aaminsanahay in ay tahay muqadas maxaa yeelay Soomaaliya lama kala gooynayo cid aqoonsaneysa gobal ka tirsan Soomaaliyana ma jirto laakin dhalinyarada iyo shacabka ayaa wakhtiga laga luminayaa waxey maraysaa maanta 30 Sano Soomaaliland madaxdooduna wax walba way sameyeen meel walbana waa u galeen sidey ku heli lahaayen aqoonsi” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.