Ra’iisul wasaare Rooble oo xilka la wareegay DAAWO SAWIRADA XAFLADA

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Axad ah uu la wareego xilka Ra’iisul Wasaarenimo oo uu Madaxweyne Farmaajo u Magacaabay 17-kii Bishaan.

Farriin loo diray Golaha Wasiirada xilka siihaya ayaa waxaa lagu wargeliyay in Maanta oo Axad ah ay ka soo qeyb galaan munaasabadda uu xilka kula wareegayo Ra’iisul Wasaraha Cusub, taas oo ka dhaceysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku dhex yaalla Xarunta Madaxtooyada, waxaana ay u qorneyd sidatan.

”Damaan Xubnihii Golihii hore Wasiirada, waxaa la idinku wargelinayaa in Axad 27/9/ 2020 Saacadda 10: 00 AM ay jirto Xafladda uu xilka kula wareegayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble oo ka dhaceyso XRW.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa 24-kii Bishaan waxaa uu qoraal uu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka wareejiyo u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub, taas oo la ogeeysiiyay Madaxweyne farmaajo, Guddoonka labada Aqal, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Hanti dhowraha Qaranka, hayeeshee ay u muuqato in warqadaas laga gudbay.

Dhanka kale Mahdi Maxamed Guuleed oo ah siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu Maanta xilka ku wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha Cusub sida ay sheegtay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan Golaha Shacabka.