Dowladda Kuweyt ayaa goor dhow ku dhawaaqday in uu geeriyooday amiirkii dalkaas ka talinayay, Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah
Golaha wasiirrada Kuweyt ayaa haatan ku jira kulan ay uga arrinsanayaan agaasinka xiga geerida amiirka.
Bishii Julaay ee sanadkan ayay ahayd markii boqortooyada Kuweyt ay shaacisay in Amiir Sabaax lagu sameeyay qalliin lagu guulaystay isaga oo intaa kaddibna u socdaalay dalka Mareykanka si uu xaaladdiisa caafimaad ugu sii baxnaaniyo.
Sida uu qabo xeerka boqortooyada dalka Kuweyt waxaa talada dalka qaban doona dhaxal sugaha dalkaas, Nawaaf Al-Axmed Jaabir Assabaax.
Amiirka geeriyooday ayaa ah amiirkii 15-aad ee dalkaas soo xukumay tan iyo markii uu madax bannaanidiisa qaatay 1961-kii, waxa uuna xukunka qabtay 2006-dii.