RW Rooble oo kulan la qaatay Guddiga Horumarinta Dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo kulan gaar ah la qaatay xubnah Guddi-hoosaadka Horumarinta Dhaqaalaha ayaa kala hadlay muhiimadda qorshaha Deyn Cafintu u leedahay Dowladnimada & Dib u dhiska Dalka.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa RW ku xigeenkii hore ahaana sii hayaha RW dalka Mahdi Maxamed Guuleed, sii hayaha Wasiirka Maaliyadda XFS, sii haya Wasiirka Dekadaha iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo sii hayaha Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maalmihii la soo dhaafay waday kulamo diiradda lagu saarayo dhammeystirka qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya.

Toddobaadkan ayuu la wareegay xafiiska Ra’iisal wasaaraha XFS, wuxuuna durba diiradda saaray wada-hadallo uu la yeesho xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya, iyo siyaasiyiinta, waxaana laga sugayaa soo dhisidda xukuumad tayo leh oo wax ka qaban karta marxaladda kala guurka ah ee dalku ku jiro.