Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed isaga oo gaarsiiyay dhambaalkii tacsida ahaa ee uu ka siday Shacabka iyo Dowladda federaalka Soomaaliy.
Ra;iisul Wasaare iyo Boqorka cusub ee Kuweyt ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay sii joogteeynta iskaashiga ku dhisan walaaltinimada iyo is-garab istaagga ee u dhexeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa intaas kaddib booqday qabriga Boqor Sheekh Sabaax Al-Axmed oo uu u soo duceeyey, Eebbana uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.
Wafdiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka Kuwait u tagay in uu hoggaanka iyo shacabka Kuwait gaarsiiyo tacsida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Sheikh Sabaax AlAxmed.
Boqor Sabaax Al-Axmed 29-kii bishii Sebteembar ku geeriyooday dalka Mareykanka waxaana Golaha Wasiirada dalka Kuweyt ay u magacaabeen Nawaaf Al-Axmed u magacaabeen inuu noqdo boqorka cusub ee dalka Kuweyt.
Nawaaf Al-Axmed ayaa walaal dhinaca Aabaha ah la ahaa boqorka geeriyooday ee Sheek Sabaax Al-Axmed.