Jadwalka soo xulista Baarlamanka 2-aad ee Hirshabeelle oo lasoo bandhigay

Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamanka 2-aad ee Hirshabeelle ayaa waxay maanta soo saareen jadwalka soo xulista xilidhibaannada bedeli doona baarlamanka koowaad.

kulan ay maanta yeesheen ayey ku shaaciyeen jadwal tilmaamaya sida ay u kala horreeyaan hannaanka shaqada iyo soo xulusta xubnaha xildhibaannada.

Maalin ka hor howlaha , xilliga uu ku egyahay Baarlamanka hadda shaqeeya wakhtigiisa ayaa waxaa si rasmi ah u billaaban doono howsha guddigaan .

Hirshabeelle ayaa waxay hadda ku jiraa wakhti doorasho, waxayna siyaasiyiin badan dadaal kugu jiraan sidii ay xilal uga qaban lahaayeen , Dowlad goboleedkaas.