Dowladda Soomaaliya oo magacowday guddi diyaariya aaska qaran ee Ex- raysal wasaare Cali Khaliif

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqeynaya Aaska loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Guddigaan oo ka kooban 13 xubnood ayaa loo xilsaaray inay diyaariyaan aaska qaran ee raysal wasaarihii hore Cali Khaliif, iyadoo aaskiisa loo maamuusidoono si ka duwan aasaskii qaran ee loo sameeyay madaxdii hore maadaama marxuumku u geeriyooday Covid19.

Waa raysal wasaarihii labaad ee Soomaaliya soo mara oo u geeriyooda covid19, waxaa horey cudurkaan ugu geeriyooday Raysal wasaare Nuur Cadde, bishii Abril ee sanadkan.