Abiy Ahmed iyo Netanyahu oo ka wada hadlay Arrimaha Gobolka

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo dhigiisa Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khadka taleefanka uga wada hadlay arrimaha gobolka.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ugu hanbalyeeyay Netanyahu heshiiskii taariikhigi ahaa ee Israa’iil la gashay dowladaha Khaliijka Carabta ee Imaaraadka iyo Baxreyn.

Intii uu socday Wadasheekeysigood, Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Netanyahu uu Hormuud u ahaa tallaabo taariikhi ah oo ay Kaliya mahadin doonaan jiilalka mustaqbalka.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay suurtagalnimada sida loo sii kordhin karo iskaashiga dhanka beeraha iyo kordhinta kaalmada Israa’iil ay siiso dalka Itoobiya.

Ugu danbeyn labada hoggaamiyo ayaa kawada hadlay sida loo caawin karo yahuudda Itoobiyaanka ah ee ku nool qurbaha.