Kooxda Chelsea ayaa lagu waramayaa in ay go`aansadeen in hishiis cusub ay ku abaal mariyaan qadkooda dhexe Jorginho
Laacibkaas ayaa go`aansaday in uu baaqi ku sii ahaado Chelsea ka dib markii suuqii xagaaga ay si weyn u baacsatay saxiixiisa kooxda Arsenal
AreaNapoli oo Italy laga leeyahay ayaa sheegeysa in 28 sano jirkaas la hor dhigayo hishiis cusub ka dib daacadnimo uu u muujiyay kooxdaas xilli midkiisa haatan uu dhacayo xagaaga 2023-ka
Muddo dheeraad ah oo laba sano gaareysa ayay Chelsea ayay damacsan tahay in ay ka saxiixdaan Jorginho oo dhankiisa la tilmaamay in uu diyaar u yahay
Qadkaas dhexe waxa uu Chelsea u saftay 102 kulan tan iyo markii uu kooxdaas u yimid sanadkii 2018-da xilligaas oo uu ka soo wareegay Napoli waxa uuna shabaaqa taabtay 12 jeer