Miyuu Kevin De Bruyne Seegayaa Kulanka Arsenal Ee Horyaalka , Xaalad Cabsi Ah Ayaa Jirta

Kevin De Bruyne ayaa la xaqiijiyay in uusan safaneyn kulanka habeen dambe qarankiisa Belgium-ka la ciyaarayaan Iceland waliba uu dib ugu laabanayo kooxdiisa Man City

Laacibkaas oo ka qeyb galay kulankii ay la yeesheen qaranka Ingiriiska xilligaas oo 2/1 looga badiyay ayaan dhameysna ciyaartaas xilli daqiiqaddii 73-aad looga saaray dhaawac

Ururka kubadda cagta Belgium-ka ayaa xaqiijiyay in laacibkaas uu ku laabanayo kooxdiisa City waliba uusan ciyaareyn kulanka berito waxa ayna u sababeyn in uusan diyaar u aheyn maadaama uu dhaawacan yahay

Sidaas oo ay tahay ma aysan sheegin nooca dhaawaca gaaray iyo heerka uu gaarsiisan yahay waxaana la filayaa in City war ka soo saaraan xaaladdiisa .

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Man City sabtida soo socda kulan adag ay la leeyihiin Arsenal kaasi oo ka tirsan wareegga 5-aad ee horyaalka Ingiriiska