Paul Scholes ayaa sheegay in ay Man United heshiis 2 ilaa 3 bilood ah ka saxiixan lahady halkii ay heshiis 2 sano ah ka saxiixatay isaga oo mid la yaab leh ku tilmaamay heshiis 2 sano ah ee ay kooxdu ka saxiixatay xiddiga.
Cavani ayaa ka mid ahaa saxiixyadii 4-ta ahaa ee ay Man United dhamaystirtay maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga isaga oo kooxda kula soo biiray xiddigaha Alex Telles, Facundo Pellistri iyo Amad Diallo.
Xiddiga reer Uruguay ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu halista badan yurub isaga oo u dhaliyay 200 oo gool wax ka badan kooxda PSG intii uu joogay.
Scholes ayaa taageero u ahaa xiddiga sanadihii la soo dhaafay laakiin haatan aaminsan in ay ahayd Man United in ay heshiis bilo ah ku keento xiddiga.
Markii la weydiiyay nooca xilli ciyaareed ee uu ka filayo Cavani ayuu ku jawaabay”Hagaag, waa inaan sugnaa oo aan aragnaa, miyayna ahayn”.
“Sida iska cad marka uu maalintiisa ku jiro waa xiddig tayo leh, taas shaki kama jiro laakiin haatan waa 33 sano jir waxana uu u muuqday mid ciyaaraha ka fadhiisanaya, kubad badan ma ciyaarin muddo bilo ah”.
“5 ilaa 6 sano ka hor, haa waxa uu United u noqon lahaa saxiix fiican waxana uu noo qaadi lahaa heer kale laakiin uma malaynayo in uu wax ku soo kordhin doono United”.
“Laakiin waa waxa ay Man United tahay, waxa aan ka fikirayay in ay Cavani ku qaataan heshiis amaah ah oo bilo ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.