Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay joojisay wadahaladii heshiiska cusub ee Luka Modric sabab la xidhiidha in ay doonayso in ay wakhti fiican qaadato ka hor inta ayna go’aan kama dambays ah gaadhin.
Xiddiga khadka dhexe ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kooxda Zinedine Zidane sanadihii ugu dambeeyay inkasta oo uu 35 jir yahay.
Si kasta ha ahaatee heshiiska xiddiga ee Real Madrid ayuu wax hal sano ka yar uga hadhanyahay taas oo shaki galisay mustaqbalkiisa.
Real Madrid ayaa dib u dhigtay wadahadalo kasta oo heshiis kordhin ah inkasta oo uu xiddigu dhawaan qirtay in uu diyaar u yahay in uu sii joogo kooxda Real Madrid.