Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu soo gabagabeeyay tababar muddo labo bilood ah Machadka Qaranka ee Diblumaasiyadda uga socday 7 agaasime waaxeed oo kamid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda oo ka kooban 14 agaasime Waaxeed.
Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa Shahaada dhameysashada tababarka guddoonsiiyay agaasimeyaasha wasaaradda isaga oo sheegay in agaasimeyaasha harayna haatan koorsada loo bilaabi doono.
Wasiir Cawad ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay ku talagalaysay in wax badan ay fuliso, hayeeshee feyruska Karoona uu carqaladeeyay howl-socodkii qorshayaashiisa oo ay ka mid ahayd in dalka la keeno tababarayaal Sweden u dhashay oo barnaamijyo tababar ku qabta Muqdisho, isagoo bogaadiyay Machadka Diblomaasiyadda iyo tababarayaashiisa oo kaalin weyn ka qaatay tababaridda agaasimeyeyaasha waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiisha habmaamuus ee Madaxtooyada, Xafiisyada Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyeyaasha Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Koorsada diblomaasiyadeed oo si rasmi ah loo daah-furay 29 Febraayo, ayaa jadwalkeedu ahaa in la soo afjaro 29 Abriil si kor loogu qaado xirfadaha afar iyo tobanka agaasime waaxeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, balse feyruska Karoona ayaa u horseedday in Machadku qaato go’aan lagu hakinayay tababarka si kumeel-gaar ah, si loo hubiyo bedqabka, loona xaddido faafitaankiisa, waxaase koorsadu dib u bilaabatay horraantii November.