Horumar in la gaaro waxaa aasaas u ah in WAXTAR la wada noqdo oo uu qof waliba xil iska saaro inuu wax soo kordhiyo sida hal-abuurnimo oo fikrado lala wada yimaado ee qof , laba ama in ka badan loogu faaiideeyo sida:
- Dejin iyo u hoggaansamid xeerar kala haga dadka wax isku darsanaya, asluub, istixgelin iyo kala danbeyna ku qotonta, loona hanweyn yahay qadiyaddii amaba yoolkii lagu heshiiyey in la gaaro ayadoo loo wada siman yahay lagana wada faaiideysto.
- Aqooneed diimeed sida barashada quraanka, axaadiithta, tafsiirka & gudashada arkaanta islaamnimada iyo iimaankaba.
- Aqoon maaddi ah sida barashada luqadaha iyo xirfadaha casriga ah ee ugu waxtarka badan sida ganacsiga, farsamada, maanulka & maareynta dadka, maalka iyo mashruucyada ganacsiga, maalgelinta waxa dadka baahidu u qabaan sida tamarta hawada, midda qorraxda iyo dabeysha ama shidaalka ku shaqeysaba, sidoo kale soo saarka iyo qeybinta biyaha, bullaacadaha, dhismayaak degaan, ganacsi iyo wershedoba. iyo ka ilaalinta khatarta dhaca, boobka, burburinta iyo jabsiga hantida la taaban karo iyo midda electronic-ga ahba
- .
- Qoraalku wuu socdaa ee la soco qeybta 2-aad