Fanaanaddii Seynab Xaaji Cali Baxsan oo ku Geeriyootay Muqdisho

Allah u naxariistee waxaa goor dhow  magaalada Muqdisho ku geeritootay Seynab Xaaji Cali Baxsan oo kamid aheyn fanaaniintii hore ee  Soomaaliyeed.

Sanab ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay ku xanuunsaneyd gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambeybn maanta u geeriyootay xanuunka ay la dhul jiif dhowaanahaan.

Allah u naxariistee fanaanadda ayaa waxaa ay kamid aheyd  kuwii aan ka bixin dalka tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay ka tirsaneyd hoboladii qaranka Waabari.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *