Heshiis Ceel qodis
Heshiiskani wuxuu dhex maray Labada daraf ee hoos ku xusan:
Darafka 1aad oo ah sedax ganacsade oo kala ah
- Maxamuud Xaashi Cabdi.
- Cabdiqani Cismaan Cabdulle
- Cabdikariin Xusseen Cadaawe oo uu wakiil ka yahay.
- Salaad Maxamuud Xalane (0618922227).
Darafka 2aad: Shirkada Buruuj Ceelqodista oo uu matalaayo:
- Maxamuud Ciise Abtidoon.
Labada daraf waxa ay ku heshiiyeen in:
- Darafka 2aad uu ceel biyood ka qodo deegaanka Ceelqooxle ee gobolka Galgaduud.
- Darafka 2aad uu ka qodo degaanka Ceelqooxle Ceelbiyood qotinkiisa 260 m lagu qiyaasay, waxaa go’aaminaya Hydro-Geological Engineer-ka oo talo gelinaayo qoladda loo qodaayo.
- Qiimaha uu darafka 2aad ku qodayo Ceelkaasi waa: 131250$ (boqol iyo sodon iyo kow kun iyo laba boqol iyo konton USD) oo uu bixinaayo darafka 1aad, lacagtaasi oo ah qodista ceelka iyo dhamaan wixii qalab ah ee galaay ceelkaa, sida Keysinka, tubooyinka, bombada, Generator 60Kva.
- Lacagtaasi 81250$ waa qarashkii materialka ceelkaas geli lahaa halka 50000$ ay shirkadda Buruuj Ceelqodistu ay ku qodeyso.
- Heshiiskaani kuma jiro dhisida Haantii, Biyaha , dhisidda qolkii motoorka, iyo dhisidii qolkii wardiyaha, iyo dararkii xooluhu ka cabi lahaayeen.
- Darafka 1aad ayaa mas’uul ka ah amaanka qalabka iyo shaqaalaha darafka 2aad inta shaqada lagu guda jiro oo degaankaasna la joogo.
- Darafka 1aad ayaa ka masuul ah inuu kala yimaado wax alla iyo wixii ogolaasho ah ee fasaxaya Ceelka in la qodo, Maamulka goobta ceelka laga qodaayo ka arimiya.
- Darafka 1aad ayaa bixinaya lacagta ay ka rabaan Riiga ceelka qodaaya, qolada goobtaas ka arrimiya ama wixii lacag ah ee darafka 2aad ay weydiistaan oo ceelqodista ku saabsan .
- Darafka 1aad wuxuu bixinayaa lacagta lagu heshiiyey marka heshiiskaan la kala saxiixdo oo dhan 91875 (Sagaashan iyo kow kun iyo sideed boqol iyo todobaatan iyo shan).
- Darafka 2aad wuxuu ceelka qodistiisa ku bilaabayaa sida ugu dhaqsaha badan marka heshiiska la kala saxiixdo, darafka 1aad soo shubo lacagtii lagu heshiiyey, uuna kala yimaado ogolaanshihii laga rabay qolooyinka ka arimiya degaanadaas.
- Darafka 2aad waxay shaqadoodu ku eg tahay marka la dhameeyo ceelqodista isla markaana ay sameeyso tijaabadii 24 saac Pump testing-ka.
- Darafka 1aad wuxuu lacagta ku haratay uu bixinayaa marka ceelka loo dhameeyo.
- Wixii is af garan waa ah waxaa loo celinayaa Shareecada Islaamka iyo dadka ku xeel dheer ceelqodista.
- Daraafka 1aad waxuu ku soo shubaayaa Account Ka Shirkadda Buruuj oo ah Salaama Bank: 33352799
Wabillaahi Towofiiq.
Muqdisho, 21 Nov. 2020
Darafka 1aad. Sedaxda Ganacsade oo kor ku xusan oo uu wakiil ka yahay.
- Salaad Maxamuud Xalane(0618922227):_________________________
Darafka 2aad: Shirkada Buruuj Ceelqodista:
- Maxamuud Ciise Abtidoon(0615010303):_________________