Ceelka Ceel Qooxle waxa uu ka mid yahay mashruucyada ay DOOXODF u tafa xeydatay iney ka mira dhaliyaan. Ayadoo talada, tigaadda iyo isku dubbaridka qeybaha bulshada la kaashaneysa daacadnimo ayeey ku guuleysteen in dibed iyo gudaba, qurba joog iyo ganacsataba aan loo kala harin oo si firfircooni iyo isqadarin mudan looga wada qeyb qaatay
Hawshii Ceel-ka Ceel Qooxle oo si xawli ah ay uga waddo Shirkadda Al-Buruuj ,qeybta qodidda iyo dhismaha ceelasha ee contract-ka ku guuleystay ayaa si habsami leh awooddeeda isugu geysay sidii ay biyo macaan uga soo saari laheyd ayadoo kaashaneysa khibradda ay u leedahay Qodidda ceelasha.