Magaalada Ceelbuur oo ah magaalo aad u fac weyn waxaa aasaaskeeda lahaa oo dhidibbada u aasay DUDUBLE XORDEGE.
Sida taariikhda ku qorantayna waa qabiilka keliya ee iska caabiyey iney ku dhacaan gacan gumeyste. Markuii talyaanigu ka caal waayey wuxuu garwaaqsaday qadiyadda ay leeyihiin hoggaanka duduble oo gaaray inuu ku metelo Hawiye oo dhan ee uu ku tirtirsiiyo talyaaniga iney ka noqdaan xujadii uu la damacsanaa Hawiye inuu kaga mamnuuca rarashada geela. Taasoo la hordhigay inuu isagana iska dhigo kana waantoobo isticmaalka gawaaarida, haddii uuba doonayo inaan annagana geela ka maaranno. Talyaaniguna wuxuu yiri “Mi arrendo” oo micneheedu yahay “Waan is-dhiibay!
Qofkii haya taariikh dhab ah xiisana leh, noqon karana dhigaal lagu hirto, ayna harsadaan jiilka hadda joogo iyo kuwa mustaqbalkaba fadlan ha usoo gudbiyo Eng. Hassan Adan Gedi oo baarid iyo la tashi macaamiisha qolka iyo guddigaba kaddib soo gelin doona qolkan