Safiirkii hore ee Turkiga oo fariin culus u diray Farmaajo kadib ciidankii maanta lagu hareeyey musharaxiinta

Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, Kamaaluddiin Kani Turan ayaa markii u horeysay ka hadlay muranka doorashooyinka oo maalmihii u dambeysay xiisad xoogan ka abuuray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Kamaaludiin Kani oo ka fal-celinaya wadooyinkii ay saaka xireen ciidamada dowladda, iyo ciidamada lagu hareeyey musharaxiinta mucaaradka ayaa ku baaqay in la sameeyo tanaasul, maadama uu sheegay in xiligan Soomaaliya aysan u baahneyn iska hor imaad iyo qalaalase siyaasadeed.

“Waxaan rajeynayaa in Madaxweyne Farmaajo muujin doono biseyl (dabacsanaan) lamid ah tii ay muujiyeen Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud doorashooyinkii 2012 iyo 2016” ayuu ku yiri Kamaludiin qoraal uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Kamaludiin oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Turkiga, ayaa waxa uu hore u soo noqdey Safiirkii Turkiga ee Soomaaliya xilligii Dowladdii kumeel gaarka aheyd.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ay saaka ciidamo ku daadisay wadooyinka muhiimka ah ee caasimada, taasi oo dadweynaha ku qasabtay inay saacado badan u lugeeyaan goobaha ay rabeen, maadama laga celinayay gawaarida waddooyinkaas .

Sidoo kale waxa uu ku soo aadaya xili mucaaridka walaac badan ka qabaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweyne Farmaajo iyo hanaanka ay dowladda u wado doorashooyinka, midaasi oo keentay in dalka uu yeesho labo guddiyo doorasho oo soo kala magacaabeen xukuumadda iyo mucaaridka.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan qeyb ka aheyd bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen dalalka beesha caalamka, kaasi uga soo horjeesteen guddiyada doorashooyinka ee lagu muransan-yahay, inkasta oo  uu Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yilmaz uu taageero balaadhan u muujiyey guddigaas

Joe Biden oo xil u magacaabay nin xilfaaltan adag ka dhexeeyay

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa u magacaabay Pete Buttigieg, in uu hoggaamiyo Waaxda Gaadiidka ee maamulkiisa cusub.

Buttigieg ayaa mar ahaa qof ay aad u xifaaltameen Biden intii uu jirey ololihii is-reeb reebka xisbiga Dimuqraaddiga ee qofka u matali lahaa tartanka doorashada, kaasi oo Biden uu ku guuleystay.

Buttigieg, oo horey u soo noqday duqii magaalada South Bend ee Indiana, ayaa ololihiisa oo dar-dar ku billowdey kadib uu hoos u dhacay, taas oo sababtay in uu tartanka ka haro islamarkaasina uu taageero u muujiyo Biden.

Xog: Sidee DF ku heshay xogta qorshaha goobaha dibad-baxyadii Muqdisho?

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay banaanbax la sheegay in looga soo horjeedo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ka qabsoomay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Goobaha ay banaanbaxyada ka dhaceen waxaa ka mid ah dagmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Cabdicasiis, iyadoo lasoo wariyay iney banaan baxyadaas ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Khsaraaha ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay si arxan-darro ah u rasaaseeyeen shacab muujinayey aragtidooda ku aaddan xaaladda dalka iyo ismari waaga ka taagan qabsoomidda doorashooyinka.

Inkasta, oo dad badan ay ka qeyb-galeen dibad-baxyada, haddana waxaa la rumeysan yahay inay intaas kasii badnaan lahaayeen, hase yeeshee banaanbaxyo ka dhici lahaa qaar ka mid ah dagmooyinka kale ee gobolka Banaadir ayaa baaqday.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ciidamada booliska iyo kuwa nabad-sugidda ay ka war heleen xogta ku saabsan goobaha abaabulka uu ka socdo, taasina ay keentay in ciidamo fara badan halkaas la geeyo, si loo baajiyo dibad-baxyadii degmooyinka qaarn.

Dowladda federaalka ayaa marar badan sidan oo kale ugu guuleysatay inay hesho xogta goobaha dibad-baxyada, ugana hortagtay, ayada oo aysan caddeyn cidda ku dhex jirta abaabulayaasha ee bixisay xogta.

Inkastoo la leeyahay dadka ku qornaa abaabulka banaanbaxyadaas waxey maalmaha soo socda isku dayi doonaan mar kale, hadana dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay mar kale isku dayi doonto inay ka hortagto.

Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaridka ayaa war-murtiyeed kulul kasoo saaray rasaastii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku fureen dadweynihii banaan-baxa ka dhigayey qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa rasaastii ay ciidanka dowladda Federaalka ahi sida arxan darrida ah ugu fureen shacabka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaharaadayey magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Musharaxiinta mucaaridka ayaa sidoo kale waxay shacabka ugu baaqeen inay sii wadaan banaan-baxyada ka dhanka ah xukuumadda uu majaraha u hayo Farmaajo, iyagoona balan-qaaday inay qeyb ka noqon doonaan dibad-baxyada soo socda

Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo ballan culus u sameeyey Galmudug

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku joogo magaalad Dhuusamareeb ayaa kulan la yeeshay golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada-shaqeynta Galmudug kala dhexeyso iyo arrimo kale.

Rooble oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn boggaadiyey shaqooyinka u qabsoomaya golaha wasiirada Galmudug, isaga oo kula dar-daarmay inay laba jibaaraan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Sidoo kale wuxuu balladan qaaday in xukuumaddiisa ay gacan weyn siin doonto Galmudug, si ay uga gubto caqabadaha heysta maamulkaasi.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu booqdo deegaano kale oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Rooble wuxuu waday safaro uu ku kala bixinayey xarunta dowlad goboleedyada ka jira dalka, isaga oo booqday magaalooyinka Baydhabo iyo Garoowe oo uu u tegay arrimo la xiriira xalinta muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Beesha Caalamka oo DF iyo Mucaaradka Ugu Baaqday Wada hadal iyo In Laga Waantoobo Hadal Ama Ficil Xun

Beesha caalamka ayaa qoraal ay kasoo saartay xaaladda Soomaaliya waxaa ay dhinacyada kala duwan ee dowladda federaalka ah iyo mucaaradka ugu baaqday wadahal, iyada oo dhanka kale kula talisay in laga fogaado hadal ama ficil ay ka dhalan karto xiiso.

Akhriso:

Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee dhowaa la qabtay ayaa u suurtagelisay dhammaan dhinacyada ku lugta lahayd inay si furan isu weydaarsadaan fikradaha ku saabsan arrimaha hadda ka socda dalka iyo in lagu heshiiyo Xayndaabka Isla-xisaabtanka Labada Dhinac ee 2021, kaas oo dejinaya arrimaha waaweyn ee mudnaanta leh ee siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo cadaaladda, iyo arrimaha bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Hase ahaatee, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka * waxay weli si qotodheer uga walaacsan yihiin isafgaranwaaga hadda ka taagan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka 2020/21. Waxaa sidoo kale loo baahanyahay wadahadal iyo heshiis dheeri ah sida loo xaqiijin doono qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee guddiyada, ergada dhexdooda, iyo kuraastaba.

Isafgaranwaagaas ayaa u baahan in lagu xalliyo qaab ixtiraamaya heshiiskii siyaasadeed ee 17-kii bishii Sebtembar iyo hab-maamuusyada hirgelinta ee ay wada saxiixdeen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) 1dii bishii Oktoobar. In la billaabo hannaan is barbar socda ama in la isku qasbo guddiyada maareynta doorashada ee lagu muransan yahay ee aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey waxay wiiqeysaa sharcinimada hanaanka doorashada waxayna abuureysaa xasillooni darro.

Sidaa darteed, waxaan mar kale ku celinaynaa baaqii aan u jeedineyno madaxda Dowladda Federaalka iyo DXF inay si deg deg ah dib u kulmaan ayna la xiriiraan saamilleyda kale si loo xalliyo tabashooyinka ku saabsan maareynta geedi socodka doorashooyinka iyadoo lagu xallinayo isafgarad wadar ogol ku dhisan si ay dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda, daah furnaan, oo kalsooni lagu qabo oo oo ay wada aqbalaan dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka. Si taas loo gaaro, waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ah inuu isugu yeero kulan ay madaxdu isugu yimaadaan magaalada Muqdisho ka dib booqashooyinka uu hadda ku marayo Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka.

Waxaan diyaar u nahay inaan taageero siino guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleedba marka wadahadalka lagu xallinayo khilaafka ka taagan xubnaha ay ka kooban yihiin si guul leh lagu soo gabagabeeyo. Daahfurnaan iyo niyad sami oo lagu hirgeliyo geeddi-socodka doorashooyinka sida ku xusan xeerarka lagu heshiiyay ayaa sido kale muhiim noqon doona.

Waxaan sidoo kale carrabka ku adkeyneynaa in kulammada joogtada ah ee madaxda Federaalka iyo kuwa DXF inta lagu gudajiro howlaha doorashada iyo sii wadida dareenka niyad samida ah ee Dhuusomareeb ee isu tanaasulka ah ay gacan ka geysan doonto in howlaha doorashada ay ku sii socdaan wadada saxda ah. In kulamada noocan ah ee madaxda laga dhigo kuwo habaysan waxay gacan ka geysan doontaa ka hortaga dib u soo noqoshada ismariwaaga siyaasadeed ee daba dheeraaday. Si taas loo gaaro waxaan ku boorinaynaa dhinacyada inay xusuustaan ballanqaadyadii lagu sameeyay Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee hoos imanaya Xayndaabka Isla-xisaabtanka Labada Dinac ee 2021 ee lagu ballanqaaday hannaan doorasho oo nabadgelyo ah oo ku saleysan wadahadalka hadda socda, iyo in la dejiyo qaab wadahadal laga yeesho geeddi-socodkan oo kulma ugu yaraan hal mar bil kasta.

Toddobaadyada soo socda, waxaan ku hanweynahay inaan la shaqeyno Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah si loo hormariyo go’aannada kale ee muhiimka ah ee ka soo baxay Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee u baahan dabagal degdeg ah. Kuwaas waxaa ka mid ah ilaalinta guulaha laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka doorashada ka hor, wadatashiyo laga yeesho dejinta qorshe hawleedka tubta doorashooyinka 2024/25, saxiixidda hindise sharciyeedka hanti-dhawrka, dhammaystirka Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, iyo u diyaar-garowga shirweynaha dhisidda ciidamada ee la qorsheeyay in la qabto bisha Janaayo 2021.

Inta lagu gudajiro muddadaas, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha inay ka waantoobaan hadal kasta ama fal kasta oo abuuri kara xiisado ama hurinta rabshado.

Cumar Filish oo dibad-baxyadii Muqdisho la xiriiriyey Kenya

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa si adag uga hadlay dibad-baxyadii rabashadaha watay ee shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, isagoo la xiriiriyey inay ka dambeeyeen kuwo u adeegaya dowlada Kenya.

Cumar Filish ayaa sheegay in dibad-baxyadaasi laga lahaa dano gaar ah, islamarkaana ay ka qeyb-qaateen dad indhaha soo duubtay oo ‘u adeegaya Kenya’, kana xun go’aankii ay gabi ahaan Soomaaliya xiriirkii diblomaasiyadeed ugu jartay xukuumadda Nairobi.

“Mar haddii dadkeenii uu noqday kuwo u jilicsan cadawga, kuwo annaga naga mid ah oo ayaga ay leeyihiin ayaa rabshado bilaabay, Waxaan baraha bulshada ku arkay kuwo Indhaha uu u duuban yahay, waana kuwo u adeegaya Kenya,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in wax laga xumaado ay tahay in la burburiyo waddooyinka laamiga ah ee dhowaan la dhisay, si loo hormariyo Muqdisho.

“Waxaan indhaheyga ku arkay laamigii bilo kahor aan dhisnay oo taayaro waaweyn lagu gubayo, wadadii aad codsateen in la idin dhiso oo hada dhismaheedu socdo, idinkood u jeeda qaar yar oo aan waxba ogeyn inay taayaro ku shidaan wadada, waa taas cabsida aan qabo” ayuu yiri guddoomiye Cumar Maxamed Maxamed (Cumar Finish).

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay gudaha caasimada ay ka dhaceen dibad-baxyo watay rabshadooo looga soo horjeeday madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay in al-Shabaab ay adeegsadaan Bangiyada dalka

War-saxaafadeed uu soo saaray Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warbixin dhowaan lagu daabacay wargays-ka New York Times oo sheegeysay in qaar kamid bangiyada dalka ay al-Shabaab u adeegsadaan in ay ku aruursadaan lacagaha ay ka qaadaan ganacsiyada ku yaalla gudaha dalka.

War-saxaafadeedka Bangiga ayaa lagusheegay in Bankiga dhexe uu yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bangiyada dalka ka shaqeeya oo dhan.

Qoraalka Bangiga ayaa lagu caddeeyay inaanay jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka.

Bangiga Dhexe ayaa Warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada) ku booriyay in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn.

“Bangiga Dhexe wuxuu ku boorrinayaa Warbaahinta Dalka iyo kuwa dibadda gaar ahaan Baraha Bulshada, in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqada ku saleyneyn.

Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedkan.

Magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan wasiirada cusub ee xukuumada Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku dhowaaqay Golaha Wasiirada Cusub ee xukuumaddiisa, ee muddada laga sugayey, kuwaasi oo ka kooban 27 wasiir.

Haddaba Caasimada Online ayaa idiin soo gudbineysa magacyada iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan wasiirada, sida shanta beel ay u kala heleen wasiirada. Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran.

Beesha Digil iyo Mirifle

1- Wasiirka Gaashandhiga, Xasan Xuseen Xaaji – Garre
2- Wasiirka Cadaaladda, Cabdulqadir Maxamed Nuur – Jilible
3- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen (Badni) – Dabarre
4- Wasiirka Tamarta, Xasan Cabdinuur – Eelay
5- Wasiirka Haweenka, Xanifa Maxamed Ibrahim – Leesaan

Beesha Hawiye

1- Wasiirka Arrimaha Gudaha, General Mukhtar Xusen Afrax – Xawaadle
2- Wasiirka Amniga Gudaha, Xasan Xundubey Jimcale – Abgaal
3- Wasiirka Diinta, Cumar Cali Roble – Abgaal
4- Wasiirka Boostada, Cabdi Sheikh Axmed Rooble – Murursade
5- Wasiirka Caafimadka, Fowsiya Abiikar Nuur – Gaaljecel
6- Wasiirka Ganacsiga, Khalif Cabdi Cumar – Baadi Cadde

Beesha Daarod

1- Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad – Majeerteen
2- Wasiirka Qorsheeynta, Jamal Maxamed Xasan – Warsangeli
3- Wasiirka Kaluumeysiga, Cabdullahi Bidhaan – Dhulbahante
4- Wasiirka Gaadidka, Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar – Ogaaden
5- Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Duraan Axmed Farax – Leelkase

Wasiirada Beesha Shanaad

1- Wasiirka Gargaarka, Khadija Maxamed Diiiriye – Yaxar
2- Wasiirka Beeraha, Siciid Xuseen Ciid – Carab Saalax
3- Wasiirka Dekedaha, Maryan Aweys Jaamac – Jareerweyne
4- Wasiirka Dhalinyarada, Xamsa Saciid Xamsa – Barawani
5- Wasiirka Batroolka Cabdirashid Maxamed Axmed – Sheeqaal Gandarshe

Wasiirada Dir

1- Raisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuled – Ciidagale
2- Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jamac – Habar Yoonis
3- Wasiirka Maaliyada Cabdiraxman Ducaale Beyle – Samaroon
4- Wasiirka Warfaafinta Cisman Abukar Dubbe – Habar Jeclo
5- Wasiirka Howlaha Guud Maxamed Adan Macalim – Biyamaal
6- Cabdullahi Abuukar Xaaji – Surre

Farmaajo oo R/W ROOBLE ku amaanay hal mid kahor magacaabistii wasiirada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Koowaad ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda xukuumad cusub.

Farmaajo ayaa xukuumadda ku qeexay “mid tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka dowladnimada ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray.”

Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweynaha ayaa Allah uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.