Paul Scholes Oo Weerar Ku Qaaday Man United & Edinson Cavani Oo Sabab U Ah

No Comments

Sports News

Paul Scholes ayaa sheegay in ay Man United heshiis 2 ilaa 3 bilood ah ka saxiixan lahady halkii ay heshiis 2 sano ah ka saxiixatay isaga oo mid la yaab leh ku tilmaamay heshiis 2 sano ah ee ay kooxdu ka saxiixatay xiddiga.

Cavani ayaa ka mid ahaa saxiixyadii 4-ta ahaa ee ay Man United dhamaystirtay maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga isaga oo kooxda kula soo biiray xiddigaha Alex Telles, Facundo Pellistri iyo Amad Diallo.

Xiddiga reer Uruguay ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu halista badan yurub isaga oo u dhaliyay 200 oo gool wax ka badan kooxda PSG intii uu joogay.

Scholes ayaa taageero u ahaa xiddiga sanadihii la soo dhaafay laakiin haatan aaminsan in ay ahayd Man United in ay heshiis bilo ah ku keento xiddiga.

Markii la weydiiyay nooca xilli ciyaareed ee uu ka filayo Cavani ayuu ku jawaabay”Hagaag, waa inaan sugnaa oo aan aragnaa, miyayna ahayn”.

“Sida iska cad marka uu maalintiisa ku jiro waa xiddig tayo leh, taas shaki kama jiro laakiin haatan waa 33 sano jir waxana uu u muuqday mid ciyaaraha ka fadhiisanaya, kubad badan ma ciyaarin muddo bilo ah”.

“5 ilaa 6 sano ka hor, haa waxa uu United u noqon lahaa saxiix fiican waxana uu noo qaadi lahaa heer kale laakiin uma malaynayo in uu wax ku soo kordhin doono United”.

“Laakiin waa waxa ay Man United tahay, waxa aan ka fikirayay in ay Cavani ku qaataan heshiis amaah ah oo bilo ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Real Madrid Oo Joojisay Wadahadaladii Heshiis Kordhinta Luka Modric

No Comments

Sports News

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay joojisay wadahaladii heshiiska cusub ee Luka Modric sabab la xidhiidha in ay doonayso in ay wakhti fiican qaadato ka hor inta ayna go’aan kama dambays ah gaadhin.

Xiddiga khadka dhexe ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kooxda Zinedine Zidane sanadihii ugu dambeeyay inkasta oo uu 35 jir yahay.

Si kasta ha ahaatee heshiiska xiddiga ee Real Madrid ayuu wax hal sano ka yar uga hadhanyahay taas oo shaki galisay mustaqbalkiisa.

Real Madrid ayaa dib u dhigtay wadahadalo kasta oo heshiis kordhin ah inkasta oo uu xiddigu dhawaan qirtay in uu diyaar u yahay in uu sii joogo kooxda Real Madrid.

Chelsea Oo Go`aan Cusub Ka Qaadatay Mustaqbalka Jorginho Ee Qalcadda Stamford Bridge

No Comments

Sports News

Kooxda Chelsea ayaa lagu waramayaa in ay go`aansadeen in hishiis cusub ay ku abaal mariyaan qadkooda dhexe Jorginho

Laacibkaas ayaa go`aansaday in uu baaqi ku sii ahaado Chelsea ka dib markii suuqii xagaaga ay si weyn u baacsatay saxiixiisa kooxda Arsenal

AreaNapoli oo Italy laga leeyahay ayaa sheegeysa in 28 sano jirkaas la hor dhigayo hishiis cusub ka dib daacadnimo uu u muujiyay kooxdaas xilli midkiisa haatan uu dhacayo xagaaga 2023-ka

Muddo dheeraad ah oo laba sano gaareysa ayay Chelsea ayay damacsan tahay in ay ka saxiixdaan Jorginho oo dhankiisa la tilmaamay in uu diyaar u yahay

Qadkaas dhexe waxa uu Chelsea u saftay 102 kulan tan iyo markii uu kooxdaas u yimid sanadkii 2018-da xilligaas oo uu ka soo wareegay Napoli waxa uuna shabaaqa taabtay 12 jeer

Miyuu Kevin De Bruyne Seegayaa Kulanka Arsenal Ee Horyaalka , Xaalad Cabsi Ah Ayaa Jirta

No Comments

Sports News

Kevin De Bruyne ayaa la xaqiijiyay in uusan safaneyn kulanka habeen dambe qarankiisa Belgium-ka la ciyaarayaan Iceland waliba uu dib ugu laabanayo kooxdiisa Man City

Laacibkaas oo ka qeyb galay kulankii ay la yeesheen qaranka Ingiriiska xilligaas oo 2/1 looga badiyay ayaan dhameysna ciyaartaas xilli daqiiqaddii 73-aad looga saaray dhaawac

Ururka kubadda cagta Belgium-ka ayaa xaqiijiyay in laacibkaas uu ku laabanayo kooxdiisa City waliba uusan ciyaareyn kulanka berito waxa ayna u sababeyn in uusan diyaar u aheyn maadaama uu dhaawacan yahay

Sidaas oo ay tahay ma aysan sheegin nooca dhaawaca gaaray iyo heerka uu gaarsiisan yahay waxaana la filayaa in City war ka soo saaraan xaaladdiisa .

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Man City sabtida soo socda kulan adag ay la leeyihiin Arsenal kaasi oo ka tirsan wareegga 5-aad ee horyaalka Ingiriiska

Zidane : Barcelona weli waa koox wax walba u dagaallami karta

No Comments

Opinion Sports News

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa aaminsan in Barcelona ay heysato koox awood u leh inay “wax walba u dagaallamaan”.

Kaddib koobab yarida xilli ciyaareedkii 2019-20, Ronald Koeman wuxuu dib u dhis ku sameynayaa Blaugrana.

Philippe Coutinho ayaa ka soo laabtay amaahdii uu ku joogay Bayern Munich halka Miralem Pjanic uu kaga soo biiray Juventus, halka Lionel Messi uu ku dhamaaday joogitaankiisa kaddib markii uu codsaday inuu dhaqaaqo.

Zidane, wuxuu sheegay in Barca ay awood ku filan u leedahay inay markale tartan u gasho ku guuleysiga horyaalka.

“Waan ixtiraami doonaa intaas waxaa sii dheer, ma garanayo waxa ka socda gudaha, taasi waa sababta aanan u rabin inaan ku lug yeesho,” ayuu tababaraha Madrid ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Waxaan u maleynayaa in koox walba ay leedahay arimaheeda iyo dhibaatooyinkeeda, Waxaan qabaa in Barcelona, marka laga hadlayo iyo kooxda ay tahay in ay u dagaalami doonta wax walba.

Man City oo guul ku bilowday horyaalka Ingiriiska

No Comments

Opinion Sports News

Manchester City oo guul ka soo heshay kooxda Wolverhampton oo ay ku booqatay Molineux Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester City.

Daqiiqaddii 20-aad Manchester City ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Kevin De Bruyne.

Phil Foden ayaa daqiiqaddii 31-aad ee ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Raheem Sterling.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqaddii 78-aad Wolverhampton ayaa la timid gool, waxaana ciyaarta 1-2 ka dhigay Raul Jimenez, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Daniel Podence.

Laakiin daqiiqadii 90-aad weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa ciyaarta ka dhigay 1-3 oo ay guusha ku raacday Manchester City.

“Mohamed Salah wuxuu ku socdaa wadadii Cristiano Ronaldo” – Gary Neville

Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa ammaanay xiddiga Liverpool ee Mohamed salah kaas oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul adag oo ay ka gaareen naadiga Leeds United.

Liverpool ayaa guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Leeds United garoonka Anfield, kulankeeda ugu horeeyay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan 2020-21, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-3.

Salah ayaa bandhig aad u fiican sameeyay inta ay ciyaarta socotay, wuxuuna ku guuleystay in kulankan uu ka dhaliyo saddexleey.

Gary Neville oo tilmaamay isbar-bardhiga u dhexeeya Mohamed Salah iyo Sadio Mane xilli ciyaareedkii hore ee kooxda Liverpool, ayaa wuxuu yiri, sida uu daabacay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England.

“Ciyaartoyda way jecel yihiin Sadio Mane, wuxuu iska ilaabay naftiisa kooxda darteed, halka Salah uusan baasin, inta badana uu yahay anaani, waxaana banaanka ka arkaa inuu yahay ciyaaryahan dilaa ku ah garoonka dhexdiisa”.

Gary Neville ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku sii daray isagoo tilmaamay saaxiibadiis hore ee kooxda Manchester United:

“Tani waxay i xasuusinaysaa Ronaldo iyo Rooney, waxaana qabaa in Salah uu dhaafi doono Mane”.

“Sababta ay ciyaartoydani u kala duwan yihiin ayaa ah inay wax uun maskaxdooda ku jiraan markay guryahooda aadaan habeenkii, iyo inay noqdaan kuwa adduunka ugu wanaagsan, waana waxa xukuma adduunkooda”.

“Mohamed Salah iyo Sadio Mane waa nooc ka mid ah ciyaartoyda u dagaalamaya kooxahooda”.

Tababare Lampard oo si rasmi ah u xaqiijiyay xiddigaha ka maqnaan doono Chelsea kulankooda furitaanka Premier League

No Comments

Sports News

(London) 11 Sebt 2020. Chelsea ayaa ku wajihi doonta kooxda Brighton Isniinta soo socota kulankeeda koowaad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka cusub, waxayna u baahan yihiin inay helaan saddexda dhibcood, si ay kaga caawiso arrintaas inay kolsooni helaan dhamaan kulamada kale, gaar ahaan kaddib markii ay la soo saxiixdeen xiddigo heer sare ah sida Hakim Ziyech, Timo Werner iyo Kai Havertz.

Haddaba tababare Frank Lampard ayaa xaqiijiyay intii lagu gudi jiray shir jaraa’id uu maanta ka soo muuqday in xiddigaha Hakim Ziyech,, Ben Chilwell iyo David Silva ay seegayaan kulanka ugu horreeya kooxda Chelsea ay kaga daahfurandoonto Premier League xilli ciyaareedka cusub.

Lampard ayaa tilmaamay in Hakim Ziyech iyo Ben Chilwell ay la ildaran yihiin dhaawac waxaana laga yaabaa inay ku qaadato labo isbuuc, si ay kaga soo muuqdaan kulankooda ugu horreeya maaliyada Blues ee horyaalka Premier League.

Hakim Ziyech ayaa dhaawac ka soo gaaray dhanka Jilibka kulankii saaxiibtinimo oo ay wada ciyaareen kooxaha Chelsea iyo Brighton 11 maalmood ka hor, halka Ben Chilwell uu ku soo biiray Blues isagoo dhaawac ah, maadaama uu dhaawac dhanka ciribta ah soo gaaray dabayaaqada xilli ciyaareedkii hore.

Dhinaca kale tababare Frank Lampard ayaa sheegay in David Silva uusan weli wax tababar ah la qaadan a Chelsea, sidaas darteedna uusan diyaar u aheyn inuu wajaho kooxd Brighton Isniinta soo socota.

Real Madrid oo badelka Gareth Bale ka dhex aragta kooxda Manchester City

No Comments

Sports News

(Madrid) 11 Sebt 2020. Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada dalka Spain kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xiiseynysa inay la soo saxiixato xiddiga naadiga Manchester City ee reer Algeria Riyad Mahrez, inta lagu gudi jiro suuqan kala iibsiga ee xagaaga.

Real Madrid ayaa dooneysa inay xagaagan si walba ay ku qaadaro ay ka takhalusto laacibka reer Weles ee Gareth Bale, kooxda ayaana ka fikireysa inay la soo saxiixato badelkiisa, waxayna doorteen Riyad Mahrez oo qaab ciyaareed aad u fiican ku qaatay Man City xilli ciyaareedkii hore.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa xaqiijiyay inuusan dhameystiri doonin heshiisyo waa weyn suuqan xagaaga isla markaana uu diirada saari doono iibinta ciyaartoy badan sababa la xiriira dhibaatada dhaqaale ee ka dhalatay caabuqa Korona, laakiin tani macnaheedu maahan inaysan macquul aheyn in la soo gabagabeeyo. heshiis muhiim ah haddii loo baahdo.

Shabakada “Defensa Central” oo soo xiganeysa “Foot mercato” ee dalka France ayaa sheegtay in kooxda Real Madrid ay durbaba la xiriirtay wakiilka Riyad Mahrez, si ay ugala hadasho suurtogalnimada uu ugu wareegi karo garoonka Santiago Bernabeu.

Riyad Mahrez ayaa heshiiska uu haatan kula jiro kooxda Manchester City wuxuu dhacayaa xagaaga 2023 laakiin ma diidayo inuu ka tago Sky Blue, gaar ahaan maadaama uusan ciyaarin inta badan kulamada, wuxuuna la kulmi doonaa tartan adag oo ku aadan booskiisa xilli ciyaareedka cusub kaddib imaatinka Ferran Torres, iyo marka lagu daro Bernardo Silva oo ka ciyaari kara booskan sidoo kale.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay inay weli dhiman tahay in la ogaado go’aanka kooxda Manchester City ee ku aadan iibka xiddiga reer Algeria, kaasoo ciyaaray 50 kulan xilli ciyaareedkii tagay, isagoo dhaliyay 13 gool, isla markaana sameeyay 16 gool caawin.

Bruno Fernandes oo ammaanay Cristiano Ronaldo kaddib guushii ay ka gaareen Sweden

(Yurub) 09 Seb 2020. Kubad sameeyaha kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Portugal ee Bruno Fernandes, ayaa ammaanay weeraryahanka naadiga Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Hadalka Bruno Fernandes ayaa wuxuu yimid kaddib markii uu Cristiano Ronaldo xalay 2 gool ka dhaliyay xulka Sweden, isagoo u horseeday inay gaaraan guushooda labaad ee tartanka UEFA Nations League.

Xulka qaranka Portugal ayaa guul kaga gaaray dhigooda Sweden 0-2, kulankooda labaad ee tartanka UEFA Nations League, Cristiano Ronaldo oo dhaliyay labada gool, ayaa gaaray goolkiisii 101-aad ee xulkiisa qaranka Portugal.

Bruno Fernandes ayaa kaddib markii ay ciyaarta dhamaatay wuxuu si weyn u ammaanay saaxiibkiis Cristiano Ronaldo, wuxuuna yiri:

“Waan ognahay in joogitaanka Cristiano Ronaldo ay fududahay in la gaaro goolka, had iyo jeer wuxuu leeyahay hami gooldhalineed, wuxuuna awood u leeyahay inuu go’aamiyo kulamada waqti kasta”.

“Wixii dhacay kahor nasiinada waa cadeynta ugu fiican ee awooda Ronaldo ee ah inuu isbedel sameyn karo”.

“Waa wax weyn joogitaankiisa xulka qaranka Portugal, sidoo kale joogitaankiisa koox kastana waxay kordhisaa awoodiisa”.

“Si wanaagsan ayaan ula macaamilnay ciyaarta oo waxaan ogaanay sida looga faa’iideysto fursadaha aan ku helnay goolka kooxda naga soo horjeeday, waxaanna dhalin karnay goolal intaas ka badan, laakiin ugu dambeyn waan ku faraxsanahay inaan guuleysanay, waxa ugu muhiimsan ee aan gaarnay ayaa ah inaan hoggaamineyno group-ka”.