Prof. Jawaari: “Xasan Kheyre guriga ayuu iigu yimid waxa uuna i weydiistay arrintan.”

Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay kulankii uu dhawaan la qaatay ra’isul wasaarahii hore dalka mudane Xasan Cali Kheyre kaas oo xukuumadiisa la tuuray dhamaadkii July.

Labadaan masuul ayaa dhawaan ku kulmay Muqdisho, balse ma aheyn markii ugu horreysay oo ay isku yimaadaan sida uu ka dhawaajiyay Jawaari oo qiray in April 2018 ay kulmeen.

Hadal heyn badan ayaa laga sameeyay kulankii uu Xasan Cali Kheyre hoygiisa ku booqday Prof. Jawaari 15-kii bishaan, kaas oo siyaabo kala duwan loo fasiray, waxeyna kusoo aaday xilli ra’isul wasaarahii hore uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxtinimada dalka.

Prof. Jawaari wuxuu biyo qabow ku shubay wararka sheegaya in kulankii ugu dambeeyay uu ahaa raali-gelin, wuxuuna sheegay in maalmo kadib gudbinta istiqaaladiisii xilka gudoonka golaha shacabka ay taasi dhacday.

“Laba bari kadib markii aan istiqaalada gudbiyay ayuu guriga iigu yimid, wuxuu igu yiri: noo duceey, waan duceysanay, sheydaan ayaa nasoo kala dhexgalay aan is facino ayuuna igu yiri, markaas bey aheyd raali galinta,” ayuu yiri Jawaari.

Si kastaba Xasan Cali Kheyre wuxuu mudooyinkii dambe waday kulamo uu la yeelanayo siyaasiyiinta Soomaalida si looga dhex arko siyaasadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Doxa kula kulmay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qatar ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dowladda Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman.

Kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana qeyb ka ahaa xoojinta xiriirka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

“Sharaf ayey ii ahayd in kulan miro dhal ah aan Dooxa kula qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Qatar. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga” ayuu yiri Ra’iisul Waasare Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo jimcihii u ambabaxay dalka Qatar ayaa wax war ah laga helin safarkiisa, mana jirin wararkii looga bartay oo Xafiiskiisa Warfaafinta ka soo saari jiray safaradiisa dibadda.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ku aaday dalka Qatar ayaa waxaa ku wehliyay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Madaxda dowladda, Wasiirada, Mas’uuliyiinta kale sida Taliyaha NISA ayaa safarada ugu badan ku taga dalka Qatar, oo ah dalka ugu weyn ee taageerada dhaqaale ee tooska siiya dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Heesaagii Haacaaluu Hundeesaa oo lagu aasay magaalada Ambo

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo heesaagii Ethiopia Haacaaluu Hundeesaa goordhow aaskiisa uu ka dhacay magaalada uu ku dhashay ee Ambo.

Haacaaluu oo sidoo kale ahaa qof u ololeeya dadka Oromada ayaa dilkiisa waxa uu sababay in ay ku dhintaan dad ka badan siddeetan ruux kadib markii banaanbaxyo waaweyn ay ka dhaceen dalka Ethiopia.

Meydka Haacaaluu ayaa la dhigey garoonka ciyaaraha magaalada Ambo oo dhinaca galbeed ka xigta illaa boqol kiilomitir caasimada Addis Ababa.

“Haacaaluu ma dhiman waxana uu ku hari doonaa qalbiyada dadka malaayiinta ah ee Oromada,” ayay tiri Santu Demisew Diro, oo ahayd xaaska Haacaaluu.

Demisew ayaa codsatay in taallo laga taago goobtii lagu diley seygeeda ee magaalada Addis Ababa.

Ninkaas oo 34 sano jirka ahaa, waxaa soo shaac baxay in uu ahaa shakhsi saameyn ku lahaa ururrada Oromada sannadihii la soo dhaafay, waxaana uu sameystay dad badan oo cadow ah intii uu ku jiray fanka.

Wuxuu ahaa fannaan heesihiisa u adeegsada kacdoonnada ay dhigayeen dadka Oromada ah ee Itoobiya.

Laba qof ayaa loo xiray dilkiisa oo la geystay xilli uu baabuur ku dhex watay magaalada Addis Ababa maalintii Isniinta, balse booliska Itoobiya wali ma aysan sheegin sababta ka dambeysay dilkiisa mana jirto dad loo maxkamadeeyay dilkiisa.

Faarax C/qaadir “DFS iyo Maamul Goboleedyada inay wada hadlaan waa arrin aas aasi u ah xasiloonida dalka”

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo soo noqday Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Dastuurka ee Xukuumaddii hore ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inay wada hadlaan ay tahay arrin aas aasi u ah xasilloonida dalka iyo jiritaanka Qaranimada.

Faarax C/qaadir oo ka qeyb galayay Dood ka baxeysay Telefishinka Somali Cabel ayaa sheegay in waxyaabaha la isku haayo ay ka mid tahay doorashada, isla markaana dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo dhinacyada kale ee siyaasadda talada ku leh ay tahay inay ka wada hadlaan.

“Dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka inay wada hadlaan waa arrin aas aasi u ah xasiloonida dalka iyo jiritaanka qaranimadeena waxyaabaha la isku heysto doorashada waa mid ka mid ah, doodda waxay tahay, haddii wixii la rabay la qaban waayo, waqtigii la rabay lagu qaban waayo waxaynu u baahanahay in aynu tashano”ayuu yiri Faarax C/qaadir.

Waxaa uu sheegay in dadka talada wax ku leh oo la’aantoo waxba socon karin ay ku jiraan maamul goboleedyada, ayna ka mid yihiin hoggaanka dalka ee dhisan sida Dastuurka ku qoran.

“Macno weyn ma yeelaneyso dalka inaa dhahno waa federaal oo inta wax dastuurka ka baxsan muddo dhaaf oo kale intuu yimaado oo la leeyahay anaga un ayay noo taal adiga shaqo kuma lihid”ayuu yiri Xildhibaan Faarax.

Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa la filayaa inuu wada hadalo uga furmo dhowaan magaalada Muqdisho, inkastoo Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin inay ka soo qeyb galaan wada hadaladaas oo muhiim u ah geeddi socodka doorashooyinka in looga gaaro wadatashi ballaaran iyo is oggol.

Illaa Afartameeyo Kuraasta Baarlamaanka oo is bedel lagu sameeyay deegaan doorashadooda (Akhriso)

Iyadoo maalin ka hor uu Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyay asteynta kuraasta Baarlamaanka oo murano badan ka jiray ayaa waxaa isa soo taraya kuraas dhowr ah oo laga wareejiyay deegaan doorashadooda hore, loona wareejiyay meelo kale.

Illaa afartameeyo kuraas ayaa is bedelo lagu sameeyay, xildhibaan kasta ee ku fadhiya kursiga wuxuu awood u yeeshay inuu geysto meesha uu aaminsan yahay inuu ku soo bixi karo.

Waxaa ka mid ah 7 kursi oo laga soo wareejiyay Gobolka Hiiraan oo loo rartay Shabeellaha dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar.

Mid ka mid ah kuraasta laga soo wareejiyay Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku fadhiya Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo nambar tirsigiisu yahay HOP#274, kursigan la wareejiyay ayaa waxaa ka hor-yimid odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee beesha Jidle oo ku tilmaamay mid aan xaq aheyn kursi deegaanada ay dagaan in laga wareejiyo oo meel aysan beeshu degin loo wareejiyo.

Kursiga Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cawad oo nambar tirsigiisu yahay HOP#104 ayaa ah kan ugu rarista badan, sanadkii 2016 waxaa lagu doortay Muqdisho, waxaa lagu waday in lagu doorto Cadaado, balse waxaa u soo rartay arrimo amni darteed Muqdisho, kursigan waxay deegaan doorashadiisa tahay deegaanka Towfiiq oo ka tirsan Gobolka Mudug, waxaa haatan la geeyay Gobolka Galgaduud oo lagu soo dooranayo.

Sidoo kale Kursiga nambarkiisu yahay HOP#124 oo uu ku fadhiyo Wasiiru dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere ayaa muran weyn ka dhashay wareejintiisa Gobolka Gedo, waxaana si weyn uga soo horjeestay arrintaas dhalinyarada Beesha reer Aw Qudub, waxaa kursigan markii hore lagu doortay Kismaayo.

Xildhibaan walba ee ku fadhiya kursigaas ayaa loo madax banaaneeyay inuu go’aan ka gaaro kursiga, isla markaana u rartay meesha uu rabo.

Shiinaha oo si kulul uga soo horjeestay xiriirka Taiwan iyo Somaliland

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si kulul uga soo horjeestay xiriirka ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan oo labadaba ah maamulo horay ugu dhawaaqay gooni u goosad, balse aan loo aqoonsan dal.

War kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in marnaba aysan ogolaan dooninin xiiir gaar ah lala yeesho Taiwan oo ay sheegeen inay Shiinaha ka mid tahay.

“Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul Shiinaha, waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha oo aan laga goyn karin ayaa lagu yiri” warka kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho.

Taiwan oo ka mid ah qeyb ka mid ah dalka Shiinaha ayaa raadienysa inay ka go’do dalkaas, ayaa dhowaan shaacisay inay xiriir diblomaasi la sameysaneyso Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa sheegay inay abuurayaan xafiis wakiilo kala matalaya iyaga iyo Somaliland oo ay ka kala furan doonaan caasimadaha labada dhinac.

Taiwan ayaa heshiis la saxiixatay Somaliland, inkastoo aan si rasmi ah loo soo bandhigin heshiiskaas.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo maalmo ka hor ka hadlayay Hargeysa ayaa sheegay in xafiis ka furanayaan Taiwan.

Soomaaliland oo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayna tahay jamhuuriyad madax banaan, balse muddo 30 sano ayaa helin wax aqoonsi caalami ah.

81 ruux lagu dilay rabshadaha Itoobiya iyo Ciidamo Milateri la geeyay magaalooyinka

Ciidamo Milateri ah ayaa la geeyay qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Itoobiya, iyadoo rabshadaha ka socda Gobolka Oromada uu sii xoogeystay, kaddib dilkii fanaankii caanka ahaa Haacaaluu Hundeesaa oo isniintii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Addis Ababa.

Illaa 81 ruux ayaa la soo wariyay in lagu dilay rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda qeybo ka mid ah magaalada Addis Ababa iyo magaalooyinka ku hareereysan gobolka oromada.

Dilka Fanaanka Haacaaluu oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa huriyay xiisado waa weyn oo halis geliyay xasiloonida dalka Itoobiya.

Rasaas ayaa ka dhacday xaafado ka tirsan Addis Ababa iyo magaalada Ambo ee Gobolka Oromada, waxaana isku dhacyo dhex mareen Ciidamada, iyo kooxo ku hubeysan baangado iyo ulo.

Illaa 35 ruux oo ku jiro Jawar Mohamed ayaa xabsiga la dhigay, waxaana Booliska ay sheegayaan inay dadka la xiray ay ku jiraan labo ruux oo looga shaki qabo inay ku lug lahaayeen dilka Fanaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wajahaya culeysyo siyaasadeed oo ay uga weyn tahay qalalaasaha ka socda qeybo ka mid ah dalka, waxaana gobolada Oromada xaalkiisa yahay mid aan sal adag ku taagneyn

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in la aaso Fanaanka ka soo jeeda qowmiyadda Oromada oo ka mid ahaa dadkii loo xiray arrimaha siyaasadda, kaasoo sanadkii 2018 la soo daayay, markii is bedelka uu ka dhacay Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed oo magaalada Dooxa booqasho ku jooga ayaa maanta booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa safaaradda ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Qatar, waxaana ay uga warbixiyeen howlaha ay bulshada u qabtaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo xubnaha la socda ayaa booqasho u jooga dalka Qatar, iyagoo kulamo la leh madaxda sare ee dalkaas iyo Soomaalida halkaas ku nool.